Galmudug oo gudbisay xubnaha ku matalaya guddiga doorashada

Qoor Qoor3

Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa si rasmiya usoo gudbiyay Xubnaha maamulkiisa Galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee dhawaan lagu heshiiyey.

Qoor-qoor ayaa gudbiyey afar xubnood oo qeyb ka noqonaya guddigaasi, kuwaasi oo dhawaan si rasmi ah u howl-gali doona, maadama heshiis kama dambeys ah laga gaaray khilaafkii doorashada dalka. 

Dhawaan ayaa la filayaa in ra’iisul wasaare Rooble uu wareegto kusoo saaro xubnaha guddiyada doorashooyinka & xalinta khilaafaadka, kuwaasi oo ay soo wada xuleen dowladda federaalka iyo maamul goboleedyadu.

Waxaana ilaa iyo hadda gudbiyay xubnaha guddiga doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee matalaya maamulada dalka; Koonfur Galbeed, Jubbaland, Puntland & Galmudug.

Waxa kaliya oo aan weli soo gudbin xubnaha guddigaasi maamulka Hir-Shabeelle, oo isagu wajahaya jahwareer siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka maamulkaasi.

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha uu gudbiyey Qoor-Qoor

1. Garaad Yuusuf Maxamuud: Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.
2. Mustaf Macalin Cali Salaad: Xubin Gudigga Xalinta khilaafaadka.
3. Cabdicasiis Cabdiraxmaan: Xubin Gudigga Doorashooyinka.
4. Liibaan Axmed Xassan: Xubin Gudigga Doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here