Galmudug oo sheegtay in cagta la mariyey maleeshiyadii Dhuusamareeb hoobiyaha ku weerartay

calanka galmudug

Afhayeenka maamulka Galmudug, Bashiir Maxamed Salaad (Sanka) ayaa faah faahin ka bixiyey weerarkii hoobiyeyaasha ahaa ee ay Xalay Al-Shabaab ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Sanka ayaa shaaca ka qaaday in weerarkaasi ay ka hortageen, kana jawaabeen ciidamada ammaanka maamulka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in xubnihii Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday qaarna la dilay, qaar kalena nolosha lagu qabtay, sida uu hadalka u dhigay.

Afhayeenka Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in sidoo kale gacanta lagu dhigay hoobiyeyaashii lagu soo weeraray Dhuusamareeb.

“Ciidamada Qalabka sida ayaa si heer sare ah kaga jawaabay dhowr hoobiye oo xalay kooxda  Alshabaab kusoo tuurtay Dhuusamareeb.Waxaana ciidanka suurto gashay inay qaar laayaan, qaarna iyaga oo dhaawaca qabtaan miliishiyaadkii sootuuray madaaficda, sidoo kale waxay gacanta kudhigeen Hoobiyihii ay magaalada kusoo garaaceen iyo qoryahoodii,” ayuu yiri afhayeenka maamul goboleedka Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here