Ganacsatada jaadka ee ku sugan Kenya oo codsi u diray Farmaajo

qaad

Dalladda Haweenka qaadka u dhoofiya Soomaaliya ee ku sugan dalka Kenya ayaa sheegay inay dhibaata noolaleed la soo deristay kaddib marki ay dowladda Soomaaliya ay joojisay jaadki ay Kenya kasoo dhoofin jirtay.

Haweenkan cabshadooda soo gaarsiiyey BBC ayaa sheegay in ganacsiga jaadka ay ku tiirsanaayeen kumannaan, haatanna aysan heysanin wax ay ku dabaraan noolal maalmeedkooda.

Haweenkaas waxaa kamid ah Xaawa Cabdi Jaamac, waxayna u warrantay wariyaha BBC-da Fartuun Ismaaciil oo ugu horreyna weydiisay cabashadooda waxa ay tahay?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here