Garaad Jaamac Garaad Cali oo u boqoolaya deminta colaada beelaha walaalaha ee horufadhi

garaad jama gcali

Garaadka Guud ee Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn, Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa u boqoolaya deminta colaada beelaha walaalaha ee dirirtu ku dhexmartay degaanka horufadhi oo ka tirsan degmadda Buuhoodle.

Dirirtan oo u dhexaysa beelaha hayaag iyo Reer hagar ayaa maanta xoogeysatay, iyadoo ay dhalisay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Garaadka iyo waxgarad kale ayaa la xaqiijiyey inay ilaa berito ku wajahan yihiin degaamada colaadu ka taagan tahay, si ay u demiyaan oo nabad ugu soo dabaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here