Gawaari qaraxyo usoo siday Muqdisho iyo Sh/Hoose oo duqeyn lagu bur-buriyey

AlShabaab drone

Wararka ka imanaya degmooyinka Saakow iyo Bu’aale oo ka tirasn gobalka Jubada Dhexe ayaa soo sheegay in xalay diyaarado dagaal ay duqeyn ka geesteen xaafado ka tirsan degmooyinkaasi.

Duqeymaha ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday laba xarun oo mid kamid ah aheyd goob ay Al-Shabaab ku diyaariyaan qaraxyada waa-weyn iyo xarun ciidan, sida ay soo sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan hey’adaha amaanka.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymihii xalay dhacay ay ka dhasheen khasaare dhimsaho iyo dhaawac ah oo soo gaaray dagaalamayaasha Al-Shabaab, islamarkaana ay dhowaan soo bandhigi doonaan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqleen dhawaaqa in kabadan 7 gantaal islamarkaana ay arkeen holac ifaya kaas oo la sheegay in si weyn looga dareemay degmooyinkii la weeraray.

Saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee milateriga ayaa sheegay in duqeynta ka dhacday Bu’aale ay ku beegsadeen gawaari qaraxyo lagu soo xiray oo ay Al-Shabaab doonayeen in ay ku soo weeraraan magaalada Muqdisho iyo fariismo ciidan oo ku yaala Shabeellada Hoose.

Lama oga diyaaradaha duqeynta geystey heybtooda waxaana soo badanaya beegsiga xaruumaha muhiimka ah ee Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here