Gedo oo dagaal cusub qarka u saaran iyo DF oo ciidan u dirtay

Ciidamada gorgor

Waxaa isa soo taraya walaaca ay qabaan shacabka ku nool degmooyinka gobalka Gedo, gaar ahaan degmada Ceel-waaq kadib markii ay kordheen xiisadda u dhaxeysa ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee tegay ciidamo geysay degmooyinka Doolow iyo agagaarka Ceel-waaq, waxaana la sheegayaa in ay ku wajahan yihiin degmada Ceel-waaq oo ah degmada kaliya oo ay hadda joogaan ciidamo ka amar qaata maamulka Jubaland.

“DF waxay soo daad gureysay ciidamo kale halkii ay aheyd in kuwa jooga ay qaado wixii ay ka faa’ido annaga yeysan waxba naga siinin,” ayuu yiri Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Jubaland ee ka soo jeeda Gedo.

“Annaga waan diyaarsanahay cidna uma aaba yeeleyno waxaan diyaar u nahay inaa difaacno gobalka Gedo wixii dagaal ama dhibaato ahna mas’uuliyaddeeda Farmaajo ayaa qaadaya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Bashiir Faaqid oo ka tirsan baarlamaanka Jubaland.

Dhinaca kale, xiisadda ka taagan gobalka Gedo waxaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqoto bur bur ku yimaada heshiiskii doorashada Soomaaliya ee dhamaadka bishii la soo dhaafay lagu gaaray Villa Somalia.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Jubaland ay wado wadatashi ku aadan sidii ay ka yeeli laheyd heshiiskaas maadaama wali taagan tahay doodii gobalka Gedo islamarkaana aysan muuqan saan saan ay dowladda federaalka kula baxeyso ciidanka ka jooga Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here