Geedkii laga jaray buurta Daalo: “Wuxuu leeyahay xabag dawo ah, mirihiisuna waa la cunaa”

buurta daallo

Geed noociisu ka sii dabar go’ayo guud ahaan Geeska Afrika iyo geyiga Soomaalida ba, oo ku yaalla Buurta Daallo ee gobolka sanaag, ayaa waxa shalay jaray askar ka tirsan ciidanka Jamhuuriyadda iskeed madax banaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Waxa goynta geedka loo aaneeyey halis uu ku noqday dhalinyarada u dalxiis tagta buurtaas oo u bareera halista si ay isugu soo sawiraan.

Hadaba ma jirtay si kale loo badbaadin lahaa geedkaa bilicda iyo faa’iidada ba u lahaa deegaankaas? Maxaase u gaar ah ee dadku uga damqadeen in geedkaa la gooyo?

“Faa’idooyinkiisa waxaa kamid ah, wuxuu leeyahay xabag, xabagtaas oo dawo ahaan loo isticmaalo, xabagtiisuna ay aad iyo aad qaali u tahay oo dawada loo isticmaalo, mirihiisa waa la cunaa”

Axmed Ibraahin Cawaale oo ah cilmi baare ku takhasusay deegaanka ayaa Axmed nagaashe ugu waramay khadka telefoonka ee magaalada Hargaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here