Geeridii Floyd: Ciyaartoyga Liverpool oo sawir fariin ah diray

liverpool

Ka dib geeridii uu ku dhex dhintay saldhig boolis oo ku yaal magaalada Minneapolis ninka Marakanka Madow ahaa ee George Flyod, ayaa ciyaartoyga kooxda Liverpool badhtamaha garoonkooda Anfield ku soo bandhigeen sawir fariin taageero ah oo ay gudbinayaan.

Sawirku wuxu muujinyaa 29 ciyaartoyga kooxda ah oo iyaga oo jilib qudha dhulka wada saaray goobada dhexe ku waregsan, waxaana hoosta lagaga qoray sawirka erayda ah “Midnimadu waa xoog. #BlackLivesMatter”.

Sida wararku tibaaxeen waxa ay ciyaartoygu in taswiirtaa laga qaado codsadeen iyaga oo tabobar ku jira Isniintii.

Dhanka kale waxa iyaguna taageero u muujiyey mudaharaadada dunida ka dhacaya ee lidka ku ah midab takoorka ciyaartoyga u safta kooxda Manchester United ee Paul Pogba iyo Marcus Rashford.

Mudaharaaddau waxay bilaabmeen ka dib markii Floyd oo ahaa nin Maraykanka madow ah oo aan hubaysnayn 25 May uu u dhintay jilibta oo uu luqunta kaga qabtay isaga oo dhulka yaal askari caddaan ah oo ka tirsan booliska Minneapolis oo la yidhaa Derek Chauvin, oo muddo qiyaastii sagaal daqiiqo ah luqunta kaga taagnaa.

Chauvin shaqadii waa laga eryey waxaana lagu soo oogay haatan dacwad dil ah.

Ciyaaryahankii u safan jiray kooxda San Francisco 49ers quarterback, Colin Kaepernick, ayaa markii ugu horraysay qaabkaa jilibka dhulka la dhigayo ee mudaharaadka ah kaga cawday caddaalad darrada isirka ku salaysan iyo arxan darrada booliska.

Waxa uu sidaa jilibka dhulka u dhigay iyada oo loo istaagay heesta calanka Maraykanka xili ciyaareedkii xagaagii 2016. Tan iyo waagaa, waxa uu qaab u fadhiisigaasi astaan u noqday dhaqdhaqaaqa Black Lives Matter ee dhaleeceeya arxan darrada boolisku ku hayaan dadka Maraykanka madow ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here