General Odowaa oo amray in la soo qabto sarkaal ciidan la goostay

Gen Odawaa Yuusuf Raage

Taliyaha Ciidamada Xoogga Soomaaliya General Odowaa Yuusuf Raage ayaa amar ku bixiyay in la soo qabto Sarkaal ka tirsan ciidamada Xoogga Soomaaliya oo la sheegay inuu ciidan la goostay kadib markii uu sheegay in cadaalad darro ay ku dhaqaaqeen taliska milateriga Soomaaliya.

Genaral Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka Gorgor u geeyay gobalka Shabeellada Dhexe soo qabashada Korneel Masdile oo ka tirsan Guutada 1-da April, sidoo kalane ka tirsanaa madaxda ciidankii lagu weeraray degaanka Ceelsaliini ee gobalka Shabeelada Hoose.

Guddoomiyaha degmada Raaga Ceelle Cumar Cali Nuur, oo la hadlay idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay in Odowaa uu soo wacay una sheegay inuu soo dhiibo Korneyl Masdile.

“Waxaa isoo wacay Jeneral Odowaa, wuxuuna igu yiri soo bixi sarkaalka baxsadka ee tuugga ah ee aad ku hayso degmada Raage Ceelle.” ayuu yiri Cumar Cali Nuur.

Korneel Masdile ayaa isaga iyo ciidan uu hogaaminayo oo ku heyb ah waxay mudooyinkii la soo dhaafay ku sugnaayeen degmooyin ka tirsan gobalka Shabeelada Dhexe, waxayna hadda fariisin ka sameesten degmada Raage Ceelle ee gobalka Shabeelada Dhexe, oo ah degaanka uu ka soo jeedo.

Abaabul dagaal iyo xaalad cabsi ah ayaa laga dareemaya degmada Raaga Ceelle, sida ay ku soo waramayaan dadka iyo maamulka degaanka.

Guddoomiyaha degmada Raaga Ceelle Cumar Cali Nuur, ayaa sheegay in aysan jirin warar sheegaya in degmada ay ku soo wajahan yihiin Al-Shabaab balse la doonayo in lagu soo weeraro degmada.

Dhinaca kale guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidanka Gorgor ay degmada ku dileen 2 habeen ka hor ciidan madani ah hubkiina ay ka qaateen, ilaa hadana aysan jirin cid wax iska wydiisay isagoo baaq u diray masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Taliska Milatariga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here