George Floyd: Cunsuriyadda midabka ku saleysan waa iney caddaalad hesho

George Floyd

Aaska Geroge Floyd ee ahaa nin madow ah oo gacanta booliska ku dhintay ee dunida dhan carada ka abuuray, ayaa laga soo jeediyey baaq ku aaddan cunsuriyadda midabka ku saleysan in caddaaladda la mariyo.

Xubin khudabad ka soo jeediyey kaniisad Houston ku taalla oo naxashka lagu sagootinayey ayaa lagu sheegay Floyd: “nin loo dilay dambiga uu galay inuu yahay oo keli ah midabkiisa oo madow ah”.

Mr Floyd ayaa bishi hore lagu dilay magaalada Minneapolis, kaddib marki uu askari boolis oo caddaan ah uu jilibka dhuunta kaga hayey ku dhawaad 9 daqiiqo, dhcadaasina muqaal laga duubay dunida lagu baahiyey.

Afar askari oo bolis ah oo dilkaasi lala xiriiriyey ayaa lagu soo oogay dacwad dil ah.

Naxashka Floyd ayaa kaniisadda laga qaaday lana geeyey qabuuro Houston ku yaalla waxaana lagu garab aasay qabriga hooyadii.

Brook Williams oo uu adeer u yahay Mr Floyd waxay ku baaqday in wax laga beddelo shuruucda dadka madowga ah takooraya.

“Maxaa keenay nidaamka inuu noqdo mid guul darreystay?” ayey tiri.

“Shuruucda waxaa marki horaba loo hirgeliyey nidaamka dadka madowga ah inuu fashilmo. Marka waa inuu shuruucdaasi la beddelaa. Fadlan, dambi neceyb ku saleysan yuusan marnaba dhicin! Qof ayaa yiri ‘Mareykanka markale ayaan ka dhigeynaa dal sare’, balse goormaa ayuu Mareykanka noqonayaa dal sare?”

Musharraxa madaxweynaha ee xisbiga Dimuqraadiga Joe Biden ee doorashada November kula loollamaya madaxweyne Donald Trump, oo farriin muuqaal ah halkaasi ka soo jediyey wuxuu yiri: “Marka caddaalad loo helo George Floyd, runtii waxaan gaari doonnaa waddada caddaaladda looga raadinayo cunsuriyadda midabka ku saleysan.”

Naxashka George Floyd oo la sido
Naxashka George Floyd oo la sido

Mr Biden ayaa si weyn u dhaleeceeyey Mr Trump, isaga oo ku eedeeyey “hadal quudhsi ah” uu ka sheegay Mr Floyd.

Balse siyaasiga xisbiga dimuqraadiga laftiisa ayaa dhawan lagu eedeeyey inuu helayo codka dadka madowga ee Mareykanka, “Ma aha madow” haddii ay codkooda siiyaan Mr Trump.

Aaska Floyd maxaa laga sheegay?

Munaasabadda baroordiiqa waxaa lagu qabtay kaniisad ku taallo Kaniisad, munaasabaddaasi oo ay ka qayb galeen 500 oo marti ah oo ay isugu jiraan siyaasiyiin iyo shaqsiyaad caan ah.

“Ma ahayn George Floyd in dhibkan uu ku dhaco, waana sababta aan halkan u joogno,” ayuu yiri Al Green oo ka tirsan golaha hoose ee Xisbiga Dimuqraadiga. “Dambiga uu galay ayaa wuxuu yahay inuu midabka madow uu ku dhashay.”

Al Sharpton oo u ololeeya xuquuqda dadka rayadka ayaa wuxuu yiri: “Caalmaka waxaan ku arkayaa, carruurta ay awoowyada u yihiin dadki aabbaha u ahaa addonsiga oo taallooyinka loo dhisay dhulka soo dhigaya.”

“Ilaahey wuxuu naga qaaday nin adag, balse qaaditaankiisa wuxuu sababay iney dunida oo dhan aragtideeda ay isbeddesho.”

Barasaabka gobolka Minnesota Tim Walz wuxuu shacabka ugu baaqay iney 8 daqiiqo iyo 46 biriqsi ay aamusaan si ay George Floyd ugu baroor diiqaan, wakhtiga la aamusay oo ahaa inta uusan Floyd dhiman ka hor askarkiga dilay inta uu dhuunta jilibka kaga hayey.

Naxashka Floyd muddo 6 saacadood ah waxaa Isniinti lagu soo bandhigay Kaniisad halkaasi ku taallo.

Munaasabad kale oo baroordiiq ah ayaa lagu qabtay Minneapolis iyo North Carolina, oo ah halka uu Mr Floyd ku dhashay.

Biden qoyska Floyd muxuu ka sheegay?

Biden oo Isniinti booqday qoyska Mr Floyd, musharraxa xisbiga dimuqraadiga wuxuu u sheegay CBS: “Gabadhiisa yar ayaa guriga joogta, waxayan tiri ‘abbahay dunida ayuu wax ka beddelayaa’, waxaan u maleeynayaa gabadhaa yar aabbaheed inuu dunida wax badan ka beddelayo.”

“Dhab ahaan waxa meeshan ka dhacay waxay sawir ka bixinayan taariikhda Mareykanka, marka laga eego xorriyadda rayadka, xuquuqda dadka rayadka iyo in dadka si sharafleh loola dhaqmo.”

Afhayeenka qoyska Floyd u hadla Benjamin Crump, wuxuu bartiisa twitter-ka uu soo dhigay sawirka kulanka muujinaya, ayuu yiri fikirka Floyd wey soo dhaweeyeen fikirka Biden ayuuna sii raaciyey.

Mudaharaadyadu sideey u baaheen?

Mudaharaadyada looga soo horjeeda cunsuriyadda ee ka bilalawday dilka Mr Floyd ayaa toddobaadki seddexaad ka socda Mareykanka.

Mudaharaadyo ballaadhan ayaa ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee oo ay ka mid yihiin Washington DC, New York, Chicago, Los Angeles iyo San Fransisco.

Dareenka cunsuriyadda laga qabo ayaa ku sii kordhay waddamada reerka galbeedka ee jawaabta looga dhigayo dilka George Floyd:

-Duqa magaalada London Sadiq Kham wuxuu diyaariyey Komishin dib u eegis ku sameynayo isdhex galka bulshada, maalmo kaddib marki dhulka la soo dhigay taalla ganacsiga addoonsiga oo Bristol ka taagneed.

-Magaalada Antwerp ee dalka Belgium waxaa sida oo kale dhulka la soo dhigay taallada King Leopord II, oo dalkaasi ka talinayey xilliga ganacsiga addoonsiga uu ka socday Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here