George Weah: Wasiirrada waxaan ku sameynayaa sida ciyaartoyda garoonka lagu sameeyo

george weahi

Madaxweynaha waddanka Liberia George Weah ayaa sheegay in isku shaandheyn uu dhawaan ku sameyn doono golihiisa wasiirrada uusan ka dhigi doonin mid wasiirro cusub shaqada la keeno, kuwo kalena laga eryo, laakiin uu taas baddalkeeda ka dhigi doono qaabka loo kala baddalo ciyaartoyda garoomada kubadda cagta.

“Ciyaartoy ayaad ka kaxeyn kartaa booska lambarka 6-aad waxaadna geyn kartaa booska lambarka 8-aad – taasina khalad ma aha”, ayuu yiri madaxweynahan horay u noqday ciyaartoyga qaatay abaalmarinta ciyaaryahanka sanadka ee xiriirka Fifa.

Hadalkan ayuu George Weah ka sheegay wareysi uu siinayay Idaacad maxalli ah.

“Haddii xitaa wasiirrada qaar meesha laga saaro waxay noqon doontaa mid ku meel gaar ah – si la mid ah sida ciyaartoyda loo baddalo, oo haddana dib loogu soo celiyo kulamada kale”.

“Kuwa dhibaatooyinka kala kulma sidii ay shaqooyinkooda u qaban lahaayeen, waa laga fariisinayaa si ay wax u qiimeeyaan iyagoo bannaanka ka jooga xafiiska”.

“Marka sidaas lagu sameeyo, waxay dib u soo laabanayaan iyagoo si fiican doorkooda u qaadan kara”, ayuu yiri madaxweyne Weah

“Waxa aan jeclahay waa in dhammaan xubnaha golaheyga wasiirrada ay si daacad ah ugu shaqeeyaan shacabka”, ayuu yiri George Weah, marka uu bixinayay wareysiga laga sii daayay idaacadda sida gaarka ah loo leeyahay ee uu fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ee Monrovia.

“Wasiirrada xilalka uguma aanan dhiibin inaan mar kasta ku rafaadiyo”, ayuu yiri isagoo hadalkiisa sii watay.

Dadka dhaleeceeya hannaanka uu wax ku wado ciyaartoygan madaxweynaha noqday ee 53 jirka ah waxay sheegeen in xukuumaddiisu ay wax qabad yeelan weysay maadaama uu xilalka siiyo dadka saaxiibbadiis ah oo kaliya, isagoo aan eegeynin xirfadda ay leeyihiin iyo aqoontooda midna.

Qaarkood waxay ku doodayaan in qaabka uu hadda u dhaqmo uu la mid yahay wixii uu sameyn jiray markii uu kabtanka ka ahaa xulka qarankiisa, xilligii uu kubadda cagta ciyaari jiray.

Markaas ayuu, sida ay sheegeen, marba ciyaartoy xulan jiray si ay kooxdiisu guul usoo hoyiso. Laakiin Weah wuxuu si joogto ah u naqdiyaa dhaleeceynta loo jeediyo dowladdiisa.

Mr Weah ayaa wareysigan sidoo kale ku sheegay inuu qorshihiisu yahay sidii uu mar kale ugu soo istaagi lahaa doorashada madaxweynaha ee lagu wado inay Liberia ka dhacdo sanadka 2023-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here