Germany oo ku dhawaaqday inay $73 million siinayso Soomaaliya

cawad iyo germany

Dowladda Germany ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay bixinayso $73 million oo ah caawinaad dhaqaale oo loogu talo galay Soomaaliya.

Safiirka Germany ee Soomaaliya Ambassador Annett Gunther, ayaa taageeradaan dhaqaale uga dhawaaqay magaaalada Muqdisho xilli safaarada Germany ee Muqdisho u dabaal dagaysay xuska maalinta midnimada Dalkooda.

Ambassador Annett Gunther ayaa sheegay dalkiisu inuu kordhinayo taageerada ku saabsan horumarinta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay sii xoojindoonaan xiriirka labada dal.

Dhaqaalahaan ayuu Jarmalku sheegay in wax looga qabandoono horumarinta iyo tababarada xirfdaha gacanta, horumarinta kaabayaasha magaalooyinka, horumarinta reer Miyiga, Beeraha iyo maamulka Biyaha.

Dowladda Germany ayaa bogaadisay horumarka Soomaaliya ka socda.

Dowladda federalka ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay helaysay balanqaadyo boqolaal milyan oo dollar ah oo caalamku ku taageerayo dadaalada lagu gaarayo hiigsiga 2021, oo ah in dalka ay ka dhacdo doorashooyin dadweyne iyo in dastuurka laga saaro qabyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here