Golaha Amaanka ee QM oo war ka soo saaray khilaafka doorashada Soomaaliya

un security c somalia

Golaha Amaanka QM ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku muujiyay Sida qotada dheer ay uga walaacsan yihiin Heshiis La,aanta siyaasadeed ee kadhex taagan Hogaamiyayaasha Siyaasada Taasoo salka ku haysa Khilaafka Doorasho Ee Taagan.

Xubnaha Golaha Amaanka ayaa isla soo qaaday Horumarada soomaaliya ee tobankii sano ee ugu dambeysay laga sameeyay Dhinacyada Dimuquraadiyada ,Habeynta siyaasada, Horumarka Dhaqaalaha iyo deyn Cafinta waxa ayna kula taliyeen xukuumada Soomaaliya, Amisom, Midowga afrika, un ka iney doorkooda ka qaataan xalka ismari waagaan Taagan Warsaxaafadeedka kasoo baxay Golaha amaanka ayaa lagu dul istaagay Muhiimada Heshiiska 17 September ee DFS iyo Dowlad goboleedyada iyo safarkii uu Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kutagay Koongo, Golaha amaanka ayaana midaas kutilmaamay in ay taagereyso in miiska la isugu keeno dhinacyada siyaasada isku diidan waan waana ay meeshaas katimaad.

Golaha Amaanka ayaa muujiyay sida ay utaageersan yihiin Dadaalada ay wadaan James Swan, Midowga afrika Iyo IGAD ee ku aadan Xalka Xaaladaha Doorashada Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka aya lagu soo gaban gabeeyay sida beesha caalamku ay ucambaareyneyso weerarada argagaxiso ee ka dhaca soomaaliya iyo gobolka waxana beesha caalamku adkeysay sida ay uxitirameyso madaxbanaanida soomaaliya, madaxbanaanida Siyaasadeed, mida Dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here