Golaha ammaanka ee QM oo cunaqabateyn ku soo rogay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

un security c

 Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabateyn cusub kusoo rogay hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya, kadib codsi kaga yimid dowladda federaalka iyo Mareykanka.

Saraakiisha la cunaqabaateeyey oo saddex ah ayaa kala ah:- Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman & Mahad Karataay, kuwaas oo xilal kala duwan ka haya Al-Shabaab.

Sidoo kale hoggaamiyeyaashan ayaa kaalmo muuqda waxa ay ku leeyihiin Al-Shabaab dhexdeeda, sida ku xusan xogta loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee QM.

Dhanka kale Erica Barks oo ah mas’uul ka tirsan waaxda arrimaha dibada Mareykanka, ayaa sheegtay in ay soo dhoweynayaan go’aanka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee cunaqabateynta lagu saaray saddexdaasi sarkaal ee ka tirsan Al-Shabaab.

Si kastaba Abuukar Cali Aadan ayaa ah ku xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab, halka Macallin Ayman uu yahay aas aasaha (Jaysh Ayman) oo ah guuto ka dagaalanta Kenya, sidoo kale Mahad Karataay ayaa kaalin firfircoon ku dhex leh Al-Shabaab, wuxuuna mar soo noqday ku xigeenka hoggaamiyaha kooxdaas, inkastoo mar dambe laga wareejiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here