Golaha Ammaanka QM oo 2021 Somalia ugu baaqay doorasho qof iyo cod ah oo nabdoon

un security c

Golaha Ammaanka QM oo warbixin kasoo saaray xaaladda Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo nabdoon, loo wada dhan yahay, la isku halleyn karo, cad, islamarkaana waafaqsan dastuurka qabyada ah.

Haddii sidaas ay dhacdo, ayaa lagu yiri warbixinta Golaha, waxay noqon doontaa tallaabo taariikhi ah oo loo qaaday dib u dhiska Soomaaliya, waxayna gacan ka gaysan doontaa horumarka dimoqraadiyadda dalka.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa sheegay in dhameystirka hab doorasho ay u baahan tahay isu-tanaasul, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada Soomaaliya inay khilaafka meel iska dhigaan islamarkaana yeeshaan wada-hadallado wax ku ool ah.

Waxa uu sidoo kale Golaha ku baaqay in doorashadu noqoto mid loo dhan yahay oo ay ka qeyb galaan dhammaan qabaa’ilada iyo maamulada dalka ka jira.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ugu baaqay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada inay dib u billaabaan wada-hadallada, si xal looga gaaro arrimaha taagan, islamarkaana la dhameystiro heshiis siyaasadeed loo dhan yahay.

Waxay si gaar ah u adkeeyeen baahida loo qabo in xal laga gaaro xaaladda Jubaland, waxayna ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay wada-hadal ka galaan arrintan.

Xubanha Golaha Ammaanka ayaa dhanka kale ku baaqay in horumar laga sameeyo dib u heshiisiinta iyo abaabulka doorashada Galmudug.

Waxay ugu dambeyn ugu baaqeen wakiilka QM ee Soomaaliya James Swan in isaga oo kaashanaya Midowga Afrika uu sii wado inuu dhinacyada Soomaaliya ka taageero sidii loo heli waddo horey loogu socdo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here