Golaha Aqalka Sare oo maanta ansixiyay sharciga saxaafadda Soomaaliya

0
Cabdi Xaashi Cabdullaahi

Senatarada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyay sharciga Saxaafadda Soomaaliya, kaasi oo ay hor geysay wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya.

Kulanka oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa waxaa ka qeybgalay maanta wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo qaar kamid ah agaasimeyaasha waaxyaha ee wasaaradda.

Kadib dood dheer oo goluhu uu ka yeeshey sharcigaasi warbaahinta iyo sidii loo ansixin lahaa ayaa ugu dambeyntii maanta waxaa ay isku raaceen in si rasmi ah loo meel mariyo.

Sharcigan oo muhiimad gaar ah u leh warbaahinta dalka waxaa horey u soo ansixiyay xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here