Golaha Dhexe ee Jabhadda xoreynta Sool Sanaag iyo Cayn (SSCLF) oo gudoomiye ku xigeen dooratay

mubarak Haybe ssc

Golaha Dhexe ee Jabhadda xoreynta Sool Sanaag iyo Cayn (SSCLF) oo ka kooban 45 xubnood oo isugu jira Qolqol-joog iyo Qurbajoog ayaa maanta doortay gudoomiye ku xigeenkii Golaha.

Qoraal ka soo baxay ayaa lagu sheegay in Mudane Mubarak Haybe loo doortay Gudoomiye ku xgeenka Golaha Dhexe ee Jabhadda xoreynta Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn.

Qoraalka ayaa u dhignaa sidatan:

Ku: Guddoomiya KMG ee jabhadda SSCLF, Ref:
Ku: Guddiga Marwooyinka Maamulaya Doorashada jabhadda SSCLF
Ku: Dhammaan Xubnaha Golaha Dhexe ee Jabhadda SSCLF Tariikh: 30/12.2019


Ujeedo: Iclaaminta Natiijadii Doorashada Ku-Xigeenka Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee SSCLF

Dhammaaantiin waxaanu idinku salaamayaa salaanta Islaamka, Assaalamu Calaykum wa Raxmatullah wa Barakatuhu,

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Sida ku cad ujeedada qoraalka, waxaanu si xushmad leh idiinla socodsiinaynaa natiijadii doorashadii socotay labadan casho ee u danbaysay ee loo tartamayey jagada Ku-Xigeenka Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee jabhadda SSCLF. Sida aad la socotaan, jagadaas waxaa u tartamay laba xubnood oo firfircoon soona buuxiyey shuruudihii laga rabay tartamayaasha.

Labadaas xubnood waxay kala ahaayeen:

1) Mudane Cali Diiriye
2) Mudane Mubarak Haybe

Doorashadaas waxaa la mariyey dariqqii loo jideeyey ee distooriga ahaa, marka la eega dadka codeeyey, waqtiga lagu codeeyey iyo qaabka loo codeeyey.

Haddii aanu nahay Guddiga loo xilsaaray hubinta iyo tirinta codadka doorashada, iyo dhammaan habsani u socodka doorashada, waxaanu isla garanay in natiijadii doorashadu noqotay sidatan:

Tirada la rabay inay codayaan: 45
Tirada codaysay: 39
Tirada u coddaysay Cali Diiriye : 10
Tirada u coddaysay Mubarak Haybe : 29
Tirada aan coddayn: 6

Sidaa darteed, doorashadaas xorta iyo xalaasha ah waxaa ku guulaystay Mudane Mubarak Haybe oo noqonaya Ku-Xigeenka Guddoomiyihii rasmiga ahaa ee jabhadda laga bilaabo saacadda loo dhaariyo jagadaas.


Waxaanu si weyn ugu mahadnaqaynaa labada tartame oo runtii muujiyey karti iyo hufnaan, si gaar ah waxaanu uga codsanaynaa Mudane Cali Diriye oo loo codeeyey inuu la shaqeeyo guddoomiyha iyo ku-xigeenka guddoomiyaha ku guulaystay doorashada iyo guddiyada kale sidii uu awelba hawlahan oo kale ugu shaqayn jiray. Waxaanu ka codsanaynaa inuu aqbalo natiijada.

Waxaa kaloo xusid mudan hawsha weyn oo ay qabteen Guddiha Marwooyinka SSCLF iyo Guddoomiye Cusmaan oo dhamaantood wax weyn nagala qabtay sidii hawshayadu u fududaan lahayd. La’aantoodna waxba noo hagaageen..

Guul iyo Gobannimo

Guddiga Kormeerka Doorashada
Suleiman Abdi Dualeh
Cali H Cige Abdulle
Ismacciil Axmed Cumar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here