Golaha Guurtida Somaliland mudo kordhin 2 sano ah u kordhiyay golaha wakiilada

Golaha Guurtida Somaliland mudo kordhin

Golaha Guurtida Somaliland ayaa mudo kordhin dhan 24 bilood oo udhiganta 2sano u kordhiyay golaha wakilada Somaliland ee mudo xileedkoodu ku ee ka bilaabanaysa Bisha koobaad ee sanadka 2020.

Gudoomiye xigeenka golaha siciid ayaa ka hor akhriyay golaha soojeedintii gudigii loosaaray Mudo Kordhinta .

Waxaana inta kadib gudoomiye Saleebaan cod geliyay inta soo jeedintaa ogol.

Waxaana ogolaaday 70 gudoomiyuhuna ma codeyn.

Waxaana fadhiyay 71 xildhibaan.

Mudo kordhintan ayaa noqonaysa tii lixaad ee golaha wakilada loo sameeyo kuwaasoo kuraasta fadhiya hada 15 sano kuna eekeyd mudo xileedkoodu 2010.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here