Golaha Shacabka DFS oo akhrintii 3aad marinaya Sharciga Doorashooyinka

aqalka baarlamaanka somalia

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeelanayaan Xarunta Villa Hargeysa, iyadoo farriimo xalay loo diray Xildhibaanada loogu sheegay ajandaha kulanka maanta.

Ajandaha kulanka ayaa ah akhrinta 3aad ee sharciga doorashooyinka Qaranka oo Arbacadii la soo dhaafay loo qeybiyay Xildhibaanada, waxaana dooda Xildhibaannada kaddib lagu wadaa in la ansixiyo.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada mucaaradka ayaa dood ka keenay sharcigan doorashooyinka, gaar ahaan qodobka 53aad ee tilmaamaya in haddii duruufo amni, xaalado bani’aadanimo iyo arrimo farsamo dhacaan oo dib u dhigaya doorashada muddo kordhin lix bilood ah.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa lagu wadaa in kama dambeys sharcigan ansixiyaan inta uusan dhalan sanadka cusub, waxaana jira cadaadis Beesha Caalamka ku saarayaan Guddoonka Baarlamaanka in sharcigan ku ansixiyaan inta uusan dhamaan sanadkan 2019 oo ay ka harsan tahay maalmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here