Golaha shacabka oo ku dhawaaqay kulan gaar ah iyo Madaxweyne Farmaajo oo hor-imanaya

gudoomiyaha baarlamaanka-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiramaan

Golaha Shacabka ayaa mar kale iclaamiyay kulan gaar ah oo uu soo codsaday madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu jiro, iyadoo lagu soo beegay xilli uusan soo xirmin shirkii Dhuusamareeb.

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa loo diray qoraal ku saabsan in berri oo sabti ah uu jiro kulan gaar ah oo uu soo codsaday madaxweynaha, isla markaana looga hadlaayo Xaalada Guud ee Dalka iyo Doorashooyinka Qaranka.

Qoraalka xildhibaanada loo diray ayaa lagu yiri “Mudane xildhibaan, berri oo Sabti ah oo ay taariikhdu tahay 06 February, waxaa jira kulan gaar ah oo madaxweynaha JFS soo codsaday. Ajendaha: 1- Warbixin ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka qaranka. Saacaddu waa 09:00 subaxnimo.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor safarkiisa Dhuusamareeb iclaamiyay in 5-ta bisha uu horgeyn doono labada gole ee Baarlamaanka wixii uu kasoo qaado Dhuusamareeb, balse wuu baaqday maadaama ilaa iyo hadda aan natiijo laga gaarin shirarkii ka socday caasimadda Galmudug.

Go’aanka uu qaadan doono Farmaajo lama oga, iclaaminta kulanka gaarka ah ee golaha Shacabka oo uu codsaday ayaana ka dhigan inuu doonayo inuu Muqdisho soo gaaro kana qeybgalo berito.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here