Golaha Wasiirada oo lagu dhowaaqay (Akhriso liiska)

Golaha Wasiirada xamse

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow shaaciyey liiska Golaha Wasiirada xukuumaddiisa ee muddada la sugayey.

Inta badan xubnaha golaha wasiirada ayaa ah xubnaha sida aadka ah ugu dhow ama ka tirsan kooxda madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ee UPD, waxaase ku jira dhowr wasiir oo siyaabo kale ku yimid. 

Senator Saalax Axmed Jaamac ayaa loo magacaabay xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka.

Waxaa golaha wasiirada ku cusub in la babai’iyey laba wasaarad, halka wasaarad cusubna lasoo kordhiyey.

Wasaaradaha la baabi’yey ayaa ah; wasaaradda gargaarka iyo Musiibooyinka, maadama madaxweyne Xasan Sheekh uu horey u magacaabay ergeyga gaarka ah ee arrimaha abaaraha iyo gargaarka bani’aadamino Cabdiraxmaan Cabdishakuur. 

Sidoo kale waxaa meesha laga saaray wasaaradda dastuurka oo horay gooni ugu taagneyd, waxaana hadda la raaciyey wasaaradda cadaaladda oo noqoneysa wasaaradda Cadaaladda iyo dastuurka. 

Waxaa cusub oo lasoo kordhiyey wasaarada cusub oo ah wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimilada, waxaana loo magacaabay Khadiija Al-Makhzuumi.

Hoos ka aqriso liiska oo dhameystiran

1- Saalax Axmed Jaamac, Ra’iisul Wasaare ku-xigeen.
2- Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur, Wasiirka Awqaafta iyo Diinta.
3- Xasan Macallin, Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka.
4- Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Arrimaha Gudaha.
5- Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiirka Maaliyadda.
6- Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), Wasiirka Gaashaandhigga.
7- Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga.
8- Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka Waxbarashada.
9- Maxamuud Cabdiraxmaan Beena Beene, Wasiirka Qorsheynta iyo Maalgashiga.
10 -Jaamac ilka Jiir, Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka.
11 -Fardowsa Cismaan Dhoore, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.
12- Jaamac Xasan Khaliif, Wasiirka Boosatada iyo Isgaarsiinta.
13- Xasan Xuseen Eelaay, Wasiirka Xananaada Xoolaha.
14- Jibriil Cabdirashiid, Wasiirka Ganacsiga Warshadaha.
15- Ismaaciil Sheekh Bashiir, Wasiirka Howlaha Guud iyo Gureyenta.
16 -Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiirka Haweenka.
17- Dr. Crisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Batroolka iyo Macdanta.
18- Maxamuud Doodishe, Wasiirka Amniga Gudaha.
19- Axmed Madoobe Nuunoow, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka.
20 – Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka.
21- Axmed Xasan Aadan, Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyeaadka Badda.
22- Daa’uud Aweys, Wasiirka Warfaafinta.
23 – Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.
24 – Jaamac Taqal, Wasiirka Korontada iyo Biyaha.
25- Maxamed Barre Maxamuud, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaraaha.
26- Khadiija Al-Makhzuumi, Wasiirka Bay’adda iyo isbddelka Cimiladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here