Golaha Wasiirada Puntland ayaa caawa oo Isniin ah ansixiyay oroska Miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2020-ka.
Oroska Miisaaniyadda 2020-ka oo dhan $ 346,416,158.99 malyan oo Dollar, ayaa waxaa Golaha u gudbisay wasaaaradda Maaliyadda dowladda Puntland.
Kulanka Gollaha Wasiirada waxaa shir gudoomiyay madaxweyne, Saciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan iyo xubnaha Wasiirada.
Wasiirka Maaliyadda Puntland, Xasan Shire Cabdi oo faahfaahin ka bixiyay oroska Miisaaniyadda 2020-ka, ayaa sheegay lagu saleeyey baahiyaha as’aasiga ah iyo sida ay u kala mudan yihiin iyadoo lagu xisaabtamaayo dakhliga lasoo xarayn karo iyo caawimaad la heli karo.
Odoroska Miisaaniyada 2020-ka, waxaa ka dhex muuqda lacago la sheegay in loo qoondeeyay hawlaha horumarinta sida dhisamaha Wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo, dayactirka wadada Garowe-Laascaanood iyo wadada Garowe -Bosaaso, sidoo kale waxaa kamida dhismayaasha ceelal biyoodyo, horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo kor u qaadista Amniga.