Golaha wasiirada xil-gaarsiin oo meel mariyey sharciyo

golaha wasiirada df guuleed

Golaha wasiirrada xil-gaarsiin ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen ku meel mariyey hindise sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, hindise sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada.

Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyey Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka musuq-maasuqa, heshiiska iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka oo guddoomiyay sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka.

Golaha wasiirada xil-gaarsiin ayaa riditaankii Kheyre kadib meel mariyey sharci badan oo qaarkood ay ka horyimaadeen qaar kamid ah dowlad goboleedyada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here