Goodax oo ka hadlay ujeedka ay ula wareegayaan Iskuulka Masaarida iyo doodda ka dhalatay

xildhibaan goodax barre

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa ka hadlay ujeedka ay Wasaaradda ula wareegeyso Iskuulka 15 May oo ay maamulayeen Guddiga waxbarashada reer Masar, iyadoo ardayda dhiganeysay Iskuulka ay si lacag la’aan ah wax ku baran jireen.

Wasiir Goodax oo wareysi siiyey Idaacadda BBC ayaa been abuur ku tilmaamay war ay sheegeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ee ahaa in sababta ay dowladda ula wareegtay iskuulkaas ay tahay amar kasoo baxay Dowladda Itoobiya oo xiriir la leh khilaafka dowladaas kala dhaxeeyo Masar.

“Waan arkaayey baraha bulshada iyo baraha internet-ka arrimaha Soomaalida ka hadlo xildhibaanno ka hadlaayo, aniga xildhibaannadaas, xildhibaanno siyaasadda ka dhacay oo dowladnimada iyo wadaniyadooda ay aad u hoosayso ayaan aaminsanahay inay yihiin”. ayuu yiri C/llaahi Goodax Barre.

Isagoo ka hadlayey ujeedka ay Wasaaradda Waxbarashada ka leedahay la wareegitaanka iskuulkaas ayaa sheegay inay ula wareegeen si ay wasaaradda ugu qabsato shaqooyinkeeda.

“In go’aan iskuul ku yaal Xamar oo aan dadkeenna ugu danaynayno oo aan howlaheenna ku qabsanayno ay yiraahdaan dowladda amar ayaa meel laga soo siiyay waa u wadaninimo xumo waana u dadnimo xumo. Waxay rabaan oo kale ha sameeyaan laakiin inay tacliinta siyaasadeeyaan waa u dadnimo xumo.”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Qoraal ay qortay Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya ayaa lagu war-geliyey Guddiga Waxbarashada reer Masar ee Soomaaliya in dowladda ay kala wareegeyso maamulka iskuulka 15 May, ayada oo la isku raacay in kala wareegista ay dhacdo 20-ka April 2020.

Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay inay Dugsigan 15 May ka dhigi doonta Machadka Tababarka Macallimiinta Gabdhaha Soomaaliyeed, si sare loogu qaado tayada waxbarashada dalka.

Dugsiga 15 May ayaa tan iyo sanadkii 2015 waxaa gacanta ku hayay Guddiga Waxbarashada reer Masar, iyadoo Iskuulkan manhajka laga dhigayay uu ahaa manhajka waxbarashada dalka Masar oo ah waxbarashadaha Hoose iyo dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here