Goorma ayaa baarlamaanka la horgeynayaa heshiiska laga gaaray doorashada?

Madaxda dalka

Madaxda maamul goboleedyada, gobolka Banaadir iyo Dowladda dhexe ayaa gaaray heshiis ka kooban 15 qodob oo u baahan in la horgeeyo golayaasha labada aqal ee Baarlamaanka si ay u ansixiyaan, sidaas darteed waxaa la ogaaday wakhtiga laga yaabo in la horgeeyo labada gole.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ayaa ka dhawaajiyay in maalinta sabtida ee soo aadan labada gole la horgeyn doono heshiiska ay la galeen dowladda dhexe iyo gobolka Banaadir.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa maalmahii lasoo dhaafay waday dadaallo ay xildhibaanada deegaankooda kasoo jeeda ee labada aqal ka tirsan uga dhaadhicin lahaayeen ansixinta heshiiska la wada gaaray.

Si kastaba waxaa la sugi doonaa sida ay labada gole ee baarlamaanka ka yeelaan ansixinta heshiiska lagu gaaray Muqdisho.

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta sheegay iney durbaanno garaaci doonaan hadii madaxweynaha uu maanta soo hadal qaado arrin ku saabsan doorashada iyadoo maanta uu madaxweynaha horyimid golaha shacabka isagoo kalsooni u raadinaya ra’isul wasaarahiisa cusub.

Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ra’isul wasaaraha cusub oo hadda looga fadhiyo inuu xukuumad marxaladda kala guurka dalka ka saarto soo dhiso, balse hadalka xildhibaanka kasoo yeeray wuxuu abuuray hadal heyn badan oo ku saabsan sida loo ansixin doono heshiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here