Guddiga Covid-19 oo go’aamiyey in kor loo qaado awoodda sheybaarka qaranka

gudiga covid19 dfs

Shirka joogtada ah ee guddiga xakameynta Covid-19 oo xalay la qabtay ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee xanuunka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shirka guddoomiyey, iyadoona ay ka qeyb-galeen xubnaha guddiga oo u badan golaha wasiirada Soomaaliya.

Intiisa badan waxaa shirkaan diirada lagu saaray hal qodob oo ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka qaranka, si ay u suurto gasho kordhinta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.

“Shirka joogtada ee Guddiga Qaran ee la tacaalidda safmarka COVID19 oo uu Ra’iisul Waaaare Hassan Ali Khaire guddoomiyay caawa ayaa diiradda lagu saaray sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda sheybaarka Qaranka, si ay u suurto gasho kordhinta tirada dadka la baarayo ee gobollada dalka.” ayaa lagu qoraal ka soo baxay xafiiska Khayre.

Sidoo kale xubnaha guddiga la tacaalida Coronavirus ayaa soo jeediyey in deg-deg howshaas loo guda galo, si adeegyada sheybaarka loo gaarsiiyo meel badan oo dalka ah.

Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu fara ba’an ku hayo cudurka safmarka ah ee Covid-19 ee saameeyey caalamka, waxaana saacadihii ugu dambeeyey dalka laga diiwaangeliyey illaa 95 qof, taas oo tirada guud ee xaaladaha ka dhigeysa 1,689 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here