Guddiga doorashada heer federaal oo ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay

gudiga doorashada 2021

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay tan iyo markii uu guddiga shaqadiisa si caadi ah u bilowday, xilli ay ka maqan yihiin xubnaha Jubbaland iyo Puntland.

War-axaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in guddiga ay u suurtagashay dhameystirka qodobada kala ah:

  1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.
  2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.
  3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
  4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.
  5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guddiga uu hadda gacanta ku hayo sameynta shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorashada Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale xusay in shirarka guddiga ay soo xaadirayeen kooram gaaraya 20 xubnood oo ka mid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Ugu dambeyntii war saxaafadeedka guddiga ayaa lagu sheegay in xubnaha guddiga ku matalo Puntland iyo Jubbaland ay diideen inay ka qeyb galaan kulamada iyagoo taas shuruud uga dhigay inay fasax ka helaan maamulada soo magacaabay.

Qoraalka kasoo baxay guddiga ayaa kusoo aadaya ayada oo maanta ay xaqiiq noqotay in doorashada Soomaaliya ay wajahdsay dib u dhicii ugu horreeyey. Jadwalka doorashada ayaa waxaa ku xusan inay maanta ahayd in la billaabo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee baarlamanka, taasi oo aan dhicin.

Dhanka kale, guddiga ayaa waxaa weli ka maqan xubnaha matalaya maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, taasi oo su’aal gelineysa go’aano kasta oo ay qaataan.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay guddiga

War-saxaafadeed: Hawlaha u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal

Muqdisho (1da Diseembar, 2020): Shirkan Jaraa’id waxaan u qabannay inaan ku iftiiminno waxyaabihii u qabsoomay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee heer Federaal oo labadii toddabaad ee u dambeysay shirar joogta ah kulahaa Hotel Decale ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu guddigan ka kooban yahay xubno ay magacawday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka yimid Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, wuxuuna ka dhashay Heshiiskii Siyaasadeed ee Madaxda labada heer ay ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020.

Magacaabista Guddigan waxey timid kaddib markii habraacyadii heshiiskaas la dhammeystiray, ay ansixyeen labada Aqal ee Barlamaanka JFS, uuna saxiixay Madaxweynaha.

Taniyo intii uu Guddigan hawshiisa guda galay, waxaa noo qabsoomay inaan dhammeystirno qodobadan;

  1. Tababarka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban, Guddiga Xallinta Khilaafadka iyo Guddiyada maamulaya doorashooyinka Somaliland iyo Banaadir.
  2. Qabyo-qoraalka Xeer Hoosaadka Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal.
  3. Xeerka Hufnaanta Doorashooyinka oo tilmaamaya sida ay doorashooyinka u dhacayaan, sida diiwaangelinta loo sameynayo iyo shuruudaha laga rabo dadka tartamaya iyo cod-bixiyeyaasha.
  4. Xeerka Odayaasha Dhaqanka, Bulshada Rayidka ah iyo Ergada Doorashada.
  5. Xeerka Habraaca Diiwaangelinta Ergada.

Waxaa kale oo aan hadda gacanta ku haynaa shuruudaha habraaca jadwalka doorashooyinka iyo diiwaangelinta musharrixiinta u taagan kuraasta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo habraacyo kale oo muhiim u ah qabsoomidda doorasho hufan oo waqtigeeda ku dhacdo.

Waxaa hawlaha haatan socda kasoo qeybgalay kooram gaaraya 20 xubnood oo kamid ah 25-kii xubnood ee uu Dikreeto ku magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble 4tii Nofeembar 2020.

Guddiga intii uu shaqeynaayay wuxuu xiriiro joogta ah la yeeshay qaar kamid xubnaha 4ta ah ee ay soo magacabeen Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland. Xubnahaas walaalaheen ah ee magacaaban balse aan soo xaadirin kulamada waxay qaar kamid ah noo sheegeen in ay nagu soo biiri donaan marka ay ogolaansho ka helaan Madaxdooda.

Haddaba, annaga oo og in muddo bil ah uu jiray, haddana jiro dib u dhac jadwaleed oo saameeyay waqtiyadii loo ballansanaa in doorashada loo dareero, waxaan rabnaa inaan mar kale ku baraarujinno in ay sida ugu degdegsan noogu soo biiraan maadaana ay maalmo kooban uun ay naga xigto xilliga loo asteeyay doorashada Guddoomiyaha iyo Ku Xigeenkiisa oo diyaarinteeda aan hadda guddi u saarnay. Waa muhiim ah xilligan adag inaana waqti kale oo dheeri ah dalka laga lumin.

Mar kale waxaan rabnaa inaan halkan ka caddeyno in shaqada guddiga ay meel fiican mareyso, si dhakhsi ahna aan u guda gali doonno waajibaadka naga saaran inaan dalkan gaarsiinno doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo xor iyo xalaal ah.

Wabillaahi Towfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here