Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo beeniyey warar baraha bulshada lagu baahiyay

gg doorashooyinka xaliimo yarey

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay warar sheegaya in guddiga doorashooyinka Qaranka ku dhawaaqayaan in dib loo dhigayo doorashada dalka sababo la xariira Caronavirus.

Qoraal kooban oo kasoo baxay guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa lagu beeniyay wararkan la baahiyay ee la xiriira in dib loo dhigayo Doorashada dalka ee lagu wado in sanadka dambe dhacdo.

”Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka waxa uu Umadda Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in wararka ah in Guddigu ku dhawaaqi rabo dib u dhac Doorasho uu yahay war been abuur ah oo sal iyo raad aan lahayn ayaa lagu yiri” Qoraalka Guddiga.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa shaki galinaya in sanadka soo socda dhaceyso doorasho, waxaana sheegeen siyaasiyiintan in dowlada wado qorshe ay dib ugu dhigeyso doorashada iyada oo mar marsiiyo laga dhiganayo Caroanvirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here