Guddiga Farsamada Galmudug oo Odayaasha ugu baaqay inay soo gudbiyaan liiska xildhibaanada

gudiga doorashada galmudug

Guddiga Farsamada Maamul dhisidda Galmudug ayaa ku dhowaaqay in si rasmi ah u bilaaban doonto xulista xildhibaanada Baarlamaanka cusub Galmudug.

Gudoomiyaha guddigan Cabdinaasir Beyle oo ka hadlayay shir jaraa’id oo u ku qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in khilaafkii Ahlusunna iyo Dowladda lagu guulaystay in la xaliyo sida loo sii wado Dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyda soo xuleysa xildhibaanada la ogeysiiyay inay si degdeg ah ugu soo gudbiyaan gudigga Liiska xildhibaanada.

Soo xulista xildhibaanada Galmudug oo muddo dheer qaadatay ayaa waxaa haatan ay u muuqataa in la soo afjaray khilaafyadii jirey inkastoo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf uu diidan yahay qaabka ay u socdaan howlaha maamul dhisida Galmudug.

Hase yeeshee Ururka Ahlu Sunna oo saami u helay illaa labaatan xildhibaan ayaa u gudbiyay guddiga farsamada liiska xildhibaanada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here