Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Galmudug oo doortay Gudoomiye iyo ku xigeenkiisa

gudiga doorashada galmudug

Magaalada Dhuusamareeb waxaa Galabta ka dhacday Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Galmudug iyo kuxigeenkiisa, guddigaas oo ah kii ay Magacaawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

Xubnaha Guddiga ayaa waxaa ay guddoomiye u doorteen Cabdinaasir Geelle Cilmi halka kuxigeen u doorteen Axmed Caafi oo kamid ah Xubnaha Guddiga.

Dhinaca kale Guddiga kale ee Maamul u sameynta Galmudug ee uu Magacaabey Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Shaakir ayaa iyana la filayaa inay guddoon Cusub doortaan.

Xaalada magaalada ayaa ah mid caadi ah oo ganacsiga iyo isu socodka dadweynaha ay socdaan, waxaana dhinaca kale la dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo magaalada ka jira, kaddib markii saakay Gaadiid dagaal oo ay wateen Ciidanka xoogga dalka ee 21aad ay gudaha u soo galeen magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here