Guddiga KMG ee ka baaraandegidda Sharciga doorashooyinka oo kulamo u socdaan

gudiga aqalka sare xeer doorasho

Guddiga KMG ee Aqalka Sare u qaabilsan Ka Baaraan-degidda Hindise sharciyeedka Doorashooyinka Qaran ayaa kulankooda afaraad maanta ku yeeshay Xarunta Aqalka Sare.

Kulankan oo uu shir guddoominayay Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ah Guddoomiyaha Guddiga ayaa waxaa looga arrinsaday howlaha hor-yaala iyo dib u eegista sharcigan.

Guddiga ayaa qeyb walba dib u eegis ku sameynaya nuqulada uu ka kooban yahay Sharcigan oo dhowaan ay soo ansixiyeen Golaha Shacabka, lana filayo marka uu ka gudbo akhrinta koowaad iyo labaad inuu Aqalka Sare meel mariyo.

Kulamada Guddiga KMG ee Aqalka Sare uu kaga arrinsanayay hindise sharciyeedkan ayaa ahaa kuwo dhammaan uu ku dul istaagayay habraaca sharcigan iyo qeybaha u baahan dib u eegista, si wax looga saxo ama loogu daro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here