Guddiga Somalia ee kiiska badda oo kulan deg deg ah ka leh go’aanka Kenya

gudiga badda somalia

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hague ee dalka Holland ayaa sheegaya inuu haatan kulan gaar ah u socdo guddiga Soomaaliya u qaabilsan dhageysiga dacwadda badda ee hortaalla maxkamadda cadaaladda adduunka ee ICJ.

Wafdiga ka socda dowladda federaalka oo ku sugan Hauge ayaa ka doodayo arrinta soo korortay, gaar ahaan dhawaqa kasoo yeeray Kenya oo shaacisay inay isaga baxday dacwadda badda oo loo balansanaa in la gudo-galo 15-ka bishan oo beri ku beegan.

Guddiga ka socda Soomaaliya ayaa la filayaa in kulankan ay ku soo bandhigan go’aankooda ku aadan hortegitaanka waqtiga balanta ee maxkmadda ICJ.

Kiiska badda oo marar kala duwan dib u dhacay ayaa si weyn isha loogu hayaa, iyada oo haatan laga war-dhowrayo go’aanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya & midka maxkamadda cadaaladda aduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano ICJ.

Kenya ayaa u sababeysa go’aankeeda cudurka Covid-19, maxkamadda oo u xaglineyso Soomaaliya & dood ay ka keentay garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo ah Soomaali.Si kastabna wafdiga Soomaaliya metalaya waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Xeer ilaaliyaha Qaranka, Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, Erygayga Gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, Xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka & sidoo kale wakiilo kala duwan oo Soomaaliya ka socda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here