Guddiyada doorashada ee Muqdisho ku kulansan oo doortay hoggaan KMG ah

Cllaahi Abyan Nuur iyo Yuusuf Maxamed Khayr

Cabdullaahi Abyan Nuur iyo Yuusuf Maxamed Khayr ayaa loo doortay in ay si ku-meel gaar guddoomiyeyaal uga noqdaan guddiga xallinta khilaafaadka iyo guddiga doorashooyinka heer federaal.

Labadan mas’uul oo kasoo jeeda Koonfur Galbeed ayaa hore xilal kala duwan uga soo qabtay dowladihii ku-meel gaarka ahaa iyaga oo xilliya kala duwan ahaa xildhibaanno heer federaal ah.

Cabdullaahi Abyan Nuur oo ah ninka ugu da’da wayn guddigan ayaa hore u ahaa wasiirkii caddaaladda iyo arrimaha diinta ee xukuumadihii madaxweyneyaasha Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana loo doortay guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee guddiga xalinta khilaafaadka.

Yuusu Maxamed Khayr, oo loo doortay guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee guddiga doorashooyinka heer federal, wuxuu laba jeer soo noqday wasiir ku-xigeen, guddoomiyaha gobolka Bakool iyo xubin ka tirsan guddigii fulinta ee ururukii RRA.

Tababarka guddiyada doorashooyinka ee heer federaal ayaa shalay galay maalinkii labaad iyada oo uu si rasmi ah u furay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Xogta ayaa sheegaya in Khamiista soo socoto la qabanayo doorashada guddoonka labada guddi oo ay wali ka maqan yihiin xubnaha Puntland iyo Jubaland.

Tirada guddiga doorashooyinka ee Muqdisho ku sugan waa 20 halka guddiga xallinta khilaafaadka ay yihiin 17 qof. Xubnahan ayaa haysta kooram ku filan oo ay doorasho ku galaan balse lama hubo tallaabada ay qaadi doonaan Jubaland iyo Puntland haddii la gaaro go’aano aysan qeyb ka ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here