Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo AMISOM oo ka wadahadlay amniga Doorashada

gudoomiye gacal iyo amisom1

Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Maanta Magaalada dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug kulan kula qaatey Sarakiil ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMSIOM oo halkaas gaaray.

Guddoomiyaha iyo Saraakiisha AMISOM ayaa intii uu kulanka socday ka wada hadlay dhawr arrin oo ku saabsan howlaha Doorashada Galmudug oo ka socdo Magaaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyey in si wadajir ah looga wada qeyb qaato sugidda Amniga Magaalada Dhuusamareeb gaar ahaan xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenada Galmudug.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay taliska qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka.

Guddoomiye Gacal ayaa Saraakiisha AMISOM uga warbixiyey halka ay mareyso howlaha doorashada madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here