Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland oo maanta Muqdisho u safray

cabdixakiin dhoobodaareed

Guddoomiyaha baarlamaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhooba-daareed) ayaa maanta safar ugu baxay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya.

Inkastoo uusan warbaahinta la hadlin guddoomiye Dhooba-daareed haddana ilo wareedyo katirsan xafiiska baarlamaanka ayaa xaqiijiyey inuu yahay safar shaqsiyadeed.

Maalin ka hor waxaa magaalada Garoowe ka dhoofay wasiirka waxbarashada Puntland oo ay weheliyeen wasiiru dowlaha iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland.

Safarka masuuliyiinta waxbarashada Puntland ayaa la xiriira xallinta khilaafka ka dhexeeya wasaaradaha waxbarashada dowladda federaalka iyo Puntland, fududaynta shahaadada ardayda dhammeeyey dugsiyada sare ee Puntland iyo qaybsiga deeqaha waxbarashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here