Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Hiiraan oo awood kula wareegay maamulka Gobolka

Cali Jeyte cusmaan hiiraan

Wararka aan ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxa ay sheegayaan in ciidamo uu wato guddoomiyaha dhawaan la magacaabay ee gobolka Hiiraan ay saakay la wareegeen xarunta maamulka ee degmada Beledweyne.

Ciidamadii uu watay guddoomiyaha cusub ee gobolka Cali Jeyte Cusmaan ayaa si nabad ah kula wareegay xarunta maamulka gobolku uu ku leeyahay degmada Beledweyne, sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka degmada Beledweyne.

Horay waxaa la sheegay in xarunta maamulka gobolka ay ugu sugnaayeen ciidamo daacad u ahaa guddoomiyihii kasoo hor jeestay in uu xilka wareejiyo Cali Maxamed Caraale.

Xubnaha aan la hadalnay waxa ay sheegeen in qorshaha guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cusmaan uu saakay ahaa in si xoog ah uu kula wareego xarunta maamulka, balse ciidamadii ku sugnaa ee daacadda u ahaa guddoomiyihii hore Caraale ay isku dhiibeen guddoomiyaha cudub Cali Jeyte.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa 30-kii bishii hore ee Maarso xilka ka qaaday guddomiyihii gobolka Hiiraan Cali Maxamed Caraale, balse Caraale ayaa kasoo hor jeestay xilka qaadistaas, isagoo ku tilmaamay qeyb ka mid ah ololaha doorashada soo socota ee Hir-Shabeelle sharcina aysan aheyn.

Wixii maalintaas ka dambeeyay gobolka Hiiraan ayaa galay is qabqabsi maamul oo u dhaxeeyay guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan iyo guddoomiyihii xilka laga qaaday Cali Maxamed Caraale.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa laga soo bilaabo sanadkii 2016-kii mudo seddax jeer ah loo magacaabay guddoomiyaha gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here