Guddoomiyaha doorashooyinka: Madaxda M goboleedyadu waxay caqabad ku yihiin in doorasho qof iyo cod ahi dalka ka dhacdo

gg doorashooyinka xaliimo yarey

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) ayaa weerar afka ah ku qaadday madaxda maamul goboleedyada dalka, oo ay sheegtay inay caqabad ku yihiin in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in madaxda goboleedyadu ay diideen in xisbi siyaasadeedyada dalka ay xarumo ka furtaan maamul goboleedyada, si aysan u dhicin doorasho qof iyo cod ah.

Xaliimo Yarey ayaa sheegtay in sababta ay madax goboleeyadu “u dooneyn inay dhacdo doorasho dadku codeynayaan ay tahay inay ayaga soo xulaan xildhibaanada cusub.”

“Madaxweynaha waxa uu rabaa, in marka la gaaro doorashada uu dhaho reer hebel kaas hala iiga keeno balse waxay iloobeen in markii bari uu baarlamaanka weyn tago inuusan aqoon oo balanta uu uga baxayo” ayey tiri Xaliimo Yarey.

Hadalkeeda ayey sii raacisay, “Anigu siyaasad dambe marabo, xildhibaan, wasiir iyo xil dambe ma rabo, meel ayaan fadhiisanaa, gabdhaha ayaan wax barayaa, waa idiin sheegee idin kama qarinayo”.

Mar la hadlaysay madaxda hadda dalka ka talisa ayey tiri, “Dowladeena waxaan ka sugeynaa inay xisbigii keento hadey doorasho rabto”.

DAAWO:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here