Guddoomiyaha guddiga Caleema-saarka Madaxda Galmudug oo la kulmay Xaaf

yuusuf garaad

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha Galmudug Yuusuf Garaad Cumar ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa uu kula kulmey Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaafi mudooyinkii dambe Gaalkacyo saldhig ka dhigtay.

Kulanka ayaa waxaa ay labada dhinac uga wada hadleen dhacdooyinkii horey uga dhacay Galmudug kuwa weli taagan ee xalka u baahan iyo Arrimo badan oo ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Mustaqbalka Siyaasadeed Galmudug.

“Waxaan gurigiisa Gaalkacyo salaan ugu tegey Madaxweyne Axmed Ducaale Xaaf, Sheekooyin dhinacyo badan oo aan isla soo qaadnay ayaa isugu jiray dhacdooyin hore, kuwo hadda taagan, mustaqbalka Galmudug iyo guud ahaanba siyaasadda dalka” ayuu yiri Yuusuf Garaad, oo si kooban uga hadlay kulankaasi.

Yusuf Garaad ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu kaalin muuqata kula lahaa Dhismaha Galmudug, sidaas darteed ay muhiim tahay in lagu qadariyo wax qabadkiisa muuqda.

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada Xaflada Caleemo-Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeeka Galmudug oo maalmahaan ku guda jira qaban qaabinta Xaflada Caleema-Saarka, kadib markii dib loo dhigey, waxaana uu socdaalo kala duwan uu ku mareyay deegaano badan oo ka tirsan Galmudug.

Yuusuf Garaad ayaa intii uu ku sugnaa Galmudug waxa uu socdaal ku maray degmooyinka Galmudug sida Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Matabaan, Guriceel, Cadaado iyo Gaalkacyo oo uu kulamo kula qaatay Madaxweyaha Galmudug ee aan wali wareejin Amed Ducaalle Geelle Xaaf.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here