Guddoomiyaha Guddiga doorashada Galmudug oo maanta la doortay

Gudi doorasho galmudug

Xubnaha guddiga doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta doortay guddoomiye iyo ku xigeen, kadib kulan ay ku yeesheen gudaha magaalada Dhuusamareeb ee caasimada ee gobolka Galgaduud.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal iyo labadiisa ku xigeen.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa waxaa loo doortay, Maxamed Xuseen Tahliil (Calool Geel), halka ku xigeen loo doortay, Cabdiraxiin Axmed Cigaal.

Guddiga ayaa haatan wixii ka dambeeya looga fadhiyaa ku dhawaaqista jadwalka doorashada, si loo dardargeliyo waqtiga yar ee haray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here