Guddoomiye Cumar Filish: “Intii la dhammaan lahaa, hala dhibtoodo oo wadooyinku ha xirnaadeen”

cumar filish2

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay xirnaanshaha waddooyinka, isagoo caddeeyay in isaga uusan rabin  in hal maalin waddooyinka ay sii xirnaadaan, balse uusan laheyn go’aanka lagu furayo.

Isagoo la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Koofur Afrika ayuu sheegay in waddooyinka ay u xiran yihiin dhibaato amni oo jrita, isla markaana madaxda ay leeyihiin go’aankan.

“Waddooyinka waxay u xiran yihiin dhibaato amni oo jirta, go’aankaas waxaa leh Madaxda, madaxda go’aankeeda waxa uu yahay inta la dhammaan lahaa hala dhibtoodo, in la dhammaado iyo in la dhibaato yaa roon”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa markii la doortay waxaa uu balan-qaaday in la furayo jidadka xiran, isagoo u saaray Guddi ka shaqeeya arrintaas, hase ahaatee qorshaha uu Guddoomiyaha damacsanaa inuu ku furo waddooyinka ay ka hor-yimaadeen Hey’addaha amniga iyo Madaxda sare ee dalka.

Inkastoo waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho markii la xiray ay yaraadeen qaraxyada, hadana waxaa dadka deegaanka ka cabanayaan in xirnaanshaha waddooyinka ay u keeneen ganacsi xumo iyo inuu adkaado isu socodka ganacsiga degmooyinka kala duwan ee Gobolka Banaadir

Dhinaca kale Guddoomiye Cumar Filish ayaa soo hadal qaaday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir 24-kii bishii July, oo ay ku dhinteen Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Eng. Yariisow, Guddoomiyeyaal degmo iyo saddex agaasime, waxaa uu sheegay in qaraxaas ay agaasime ka mid ah agaasimayaasha gobolka banaadir ay fulisay, sidoo kale agaasime kale la qabtay markii uu xilka loo magacaabo, kaasoo aanu magaciisa uusan sheegin.

“Bishii 7aad 24-keeda maxaa ka dhacay xarunta gobolka banaadir, waa xasuusatiin sow ma ahan, waxaa ku dhintay Guddoomiyihii gobolka banaadir iyo duqa magaalada muqdisho, waxaa ku dhintay 7 agaasime iyo saddex guddoomiye degmo, heyadaha amniga iyo kuwa baara dhacdooyinka waxay sheegeen in agaasime ka mid ah agaasimayaasha inuu is qarxiyay, markii aan aniga imid kaddib agaasime kale ayaa hey’adaha sirta ay soo heleen xogtiisa, waa la qabtay baaritaanka markii la geliyay waxaa la ogaaday inuu isagana howlahaas oo kale fulin rabay, kaddibna waaba qirtay”ayuu yiri Guddoomiye Cumar Filish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here