Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Hodan kadib dilkii marxuum Dhagajuun

Cfataax Xayir Ciise Dhagajuun

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa maanta guddoomiye cusub u magacaabay degmada Hodan, kadib wareegto uu soo saaray.

Cumar Filish ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir u magacaabay Mudane Cabdifitaax Xayir Ciise Dhagajuun, kadib markii la dilay guddoomiyihii degmadaas Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Guddoomiyaha cusub ayaa waxaa la faray inuu si deg-deg ah ula wareego xilkiisa, islamarkaana uu halkaasi kasii wado howlaha maamulka ee degmada.

Sidoo kale laamaha ammaanka iyo shacabka ku dhaqan degmada Hodan ayaa loogu baaqay inay la shaqeeyaan guddoomiyaha cusub oo ah nin dhalinyaro ah.

Magacaabistaan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo aan weli lasoo bahndhigin natiijada baaritaanka dilkii loo geystay Allaha u naxariisteen Cabdixakiin Dhagajuun.

Marxuumka ayaa bishii lasoo dhaagay ee Janaayo, xilli habeen ah ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay ku dileen isgoyska Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here