Guddoomiye ku xigeenkii amniga G Shabeellaha Dhexe iyo Wiilkiisii oo qarax lagu dilay

Jawhar map

Wararka aan ka heleyno magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha amniga Gobolka Shabeellaha Dhexe Muxumad Cabdi.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa u dhintay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed oo Caawa lagu weeraray Guri uu ka deganaa Magaalada Jowhar.

Sidoo kale Weerarka ayaa waxaa ku dhintay Wiil yar uu dhalay guddoomiye ku xigeenku, waxaana halkaas si deg deg ah uga baxsaday ragii weerarka soo qaaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa haatan ku sugan goobta uu falka la dhacay, isla markaana ka wada baaritaano kala duwan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here