Guddoomiye Waaxeed lagu dilay magaalada Kismaayo

airport Kismaayo

Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii ku dilay magaalada Kismaayo Guddoomiyaha Waaxda Via Afmadow, iyadoo kooxdii dilka geysatay ay baxsatay.

Guddoomiye waaxeedka la dilay ayaa lagu magacaabayay Axmed Buulle, kaasoo isbitaalka guud ee Kismaayo ugu geeriyooday dhaawaca ka soo gaaray rasaastii ay ku fureen kooxdii hubeysaneyd.

Ciidamada Booliska ayaa la sheegay in dilka kaddib howlgallo ka sameeyeen xaafadaha magaalada, inkastoo aanay u suura gelin inay gacanta ku soo dhigaan kooxdii dilka geystay.

Dilal kala duwan ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay magaalada Kismaayo, kaasoo loo geysanayay dadka waxgaradka ah iyo mas’uuliyiinta maamulka, waxaana maamulka Jubbaland uu ku eedeeyay inay dilkaas ka dambeeyaan Kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here