Guddoomiyihii degmada HODAN oo xalay la dilay

gd H Cabdxakiim Dhagajuun

Allah ha u naxariisto’e, guddoomiyihii degmada Hodan Cabdxakiim Dhagajuun ayaa xalay lagu dilay agagaarka isgoyska Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa ku dhintay is-rasaaseyn isgoyska ka dhacday oo dhex-martay ilaaladiisa iyo ciidan ka tirsan dowladda oo ku sugnaa isgoyska, sida aan xogta ku helnay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa Arbacdii shalay un dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib muddo ku dhow laba toddobaad oo uu ku sugnaa dalka Turkiga, halkaasi oo lagu daweynayey kadib markii uu ku dhaawacmay qarax 12-kii November ka dhacay waddada 21-ka October ee Muqdisho. 

Qaraxaas oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa lala eegtay baabuur uu la socday guddoomiyaha, waxaana ku dhintay laba ka mid ah askarta ilaalada u aheyd, ayada oo guddoomiyahana uu ku dhaawacmay.

Cabdixakiim Dhagajuun ayaa wax ka yar saddex saac inta aan la dilin waxa uu bartiisa facebook soo dhigay qoraalka hoose.

Qoraalka Cabdixakiim ee facebook 

Alle ayaa Mahad leh, intaa kadib waxaa maanta ku soo noqday dalka, kadib markii hawlo Caafimaad muddo kooban aan ugu maqnaa dalka Turkiga, Alle mahadii xaaladeyda Caafimaad aad ayeey u wanaagsan tahay.

Intaa kadib maanta markii aan imid, waxaan durba bilaabay shaqadii aan Bulshada u haayay, waxaana Shir Guddoomiyay, Shirka Isbuuclaha ah ee Degmooyinka Hodan & Hawlwadaag, kaasi oo looga hadlo hawlaha shaqo ee ka socda labada Degmo.

Argagixisada mar kasta waxa ay isku dayaan in Bulshada Somaliyeed ay ka niyad jabiyaan Dowladnimadooda, laakiin waxaan leenahay idiinma suuragaleyso qorshahaasi aad damacsan tihiin, idinka ayaana dhibka ku dambeyn doono Insha Allah.

Waxaa naga go’an inta nafta ay nagu jirto in aan u adeegno Bulshadeena qiimaha badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here