GUDDOOMIYIHII GOBOLKA NUGAAL OO U GEERIYOODAY DHAAWAC KA SOO GAARAY QARAXII GAROOWE

gudoomiyaha nugaal

Alle ha naxariistee, waxaa daqiiqado ka hor isbitaalka Garoowe ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo caawa dhaawac culus ka soo gaaray qarax ismiidaamin ah oo lagula eegtay afaafka hore ee saldhiga caasimadda Garoowe.

Geerida Guddoomiyaha, waxaa xaqiijiyay dhaqaatiir ku sugan isbitaalka Garoowe iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland, waxaana ay sheegeen in uu geeriyooday, kadib  qalliin lagu sameeyay.

Sidoo kale, waxaa weli isbitaalka lagu dabiibayaa Taliyihii hore ee Qeybta Booliiska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame  (Galan-goolli) iyo qof shacab ah oo isna qaraxa ku dhaawacmay.

Qaraxaas oo dhacay fiidnimadii caawa, waxaa mas’uuliyaddiisa sheegtay malayshiyaadka  Al-shabaab, kadib qoraal ay ku baahiyeen warbaahinta taageerta kooxdaas.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Puntland oo qaraxa ka hadlay, ayaa dhankooda sheegay in baaritaan lagu hayo cidda ku lug leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here