Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Shaqo-joojin ku sameeyey G Maxkamada G/BANAADIR

Baashe Y Axmed iyo Muuse Macallin Cabdi

Gudoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyey gudoomiyaha maxkamadda gobolka banaadir Muuse Macallin Cabdi, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa ku-simaha gudoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir u magacaabay Cabdisalaan Macallin Cabdi oo ah gudoomiyaha maxkamadda degmada Howlwadag.

Xubnaha ku dhow labada dhinac ayaa sheegaya in xil ka qaadistan ay salka ku hayso khilaaf u dhaxeeya labada mas’uul oo dhanka maamulka iyo dhaqaalaha ah, waxaana wararka aan ka heleyno maxkamadaha rayidka ay sheegayaan in khilaaf lacageed uu hareeyay hanaanka cadaaladda dalka.

Waxaa horey u jirta xiisad ka dhex oogan labada dhinac, oo ka dhalatay markii Muuse Macallin uu shaqada uga eryay laba wiil oo ay qaraaba dhow yihiin guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf, kuwaas oo lagu eedeeyey musuq-maasuq.

Sharci-yaqaano la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in guddoomiyaha Maxkamadda Sare uusan awood u lahayn inuu xilka ka qaado guddoomiyaha maxkamadda gobolka.

“Anshax marinta, badalaadda, shaqa ka joojinta, magacaabista, xilka qaadista waxaa iska leh golaha adeegga garsoorka sida ku qoran dastuurka iyo xeerka nidaamka garsoorka, haddii intaas la waayane madaxweynaha ayaa awood u leh,” ayuu yiri sharci-yaqaanka la hadlay Caasimada Online.

Xiisaddan ayaa gaartay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana la filayaa in madaxweynaha uu soo faro-geliyo dhowana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here