Gudoomiye Degmo oo kahor yimid xil ka qaadis lagu sameeyay oo xabsi la dhigay

jeel

Wararka ka imaanaya degmada Garbahaarey ee caasimada gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidanka dowlada federaalka magaaladaasi ku xireen gudoomiyihii hore ee Degmadaasi Iimaan Cadow Kaarshe.

Sida aan wararka ku helnay gudoomiyaha oo dhawaan xil ka qaadis lagu sameeyay ayaa ka biyo diiday in xilka ku wareejiyo gudoomiyaha cusub ee lagu bedelay, waxa uu sidoo kale Iimaan kahor yimid xil ka qaadista lagu sameeyay.

Gudoomiyihii hore ee Garbaahrey ayaa sidoo kale la sheegay in uu abaabulay ciidan ku heyb ah si ay u difaacaan, hasa ahaatee ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in maanta xabsiga dhigeen masuulkan hore.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ay socdaal dadaalo lagu doonayo in Gudoomiyihii Garbahaarey Iimaan Cadaw Kaarshe diyaarad looga soo qaado magaaladaasi loona keeno magaalada Muqdisho .

Maamulka Gobolka Gedo waxaa gacanta ku haya maamul ka madax banaan Jubbaland oo si toos ahna u hoostaga dowlada federaalka Soomaaliya, waxaana horey xilalka looga qaaday Gudoomiyaasha Jubbaland u magacawday degmooyinka gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here