Gudoomiye Filish oo amray in laga guuro dhulkii Munishiibiyadu ay laheyd

cumar filish2

Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa soo saaray amar deg deg ah, kadib kormeer uu ku tagay garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose.

Filish  ayaa amaray in inta ka dhiman bishan November looga guuro dhulkii Munishiibiyada ay laheyd, isagoo ka dalbaday shacanka degan in illaa 1-da bisha soo socota ay uga baxaan dhulkaasi oo ku yaalla degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay guddoomiyuhu inuu uga mahadcelinayo dadkaasi muddadii ay hayeen dhulkaasi, hadana ay u soo baahatay dowladda hoose

“Meelo dad u dhisan ayaa jirta oo naloo sheegay oo ah Garoonkii Basketball-ka iyo Baarkii Minishiibiyada, waxaa u qabaneynaa dadka degan inay nagu soo wareejiyaan illaa 1-da bisha December ee soo socota, waxaa rajeynayaa mar haddii mulkiyada nala sheeganeyn inay nagu daahin, waa u mahadcelineynaa nagama heysan waa noo hayeen”ayuu yiri guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Amarkan oo ah mid deg deg ah oo shalay uun soo baxay ayaa waxaa cabasho ka muujinayo dadka degan qeybo ka mid ah dhulkii ay laheyd Kooxda Minishibiiyada, kuwaas oo sheegay in aysan ku filneyn waqti ahaan muddada loo qabtay, iyadoona horay aan loogu soo wargelin, ka hor booqashada guddoomiye Cumar Filish.

Dhulalka danta guud ee ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkan dib u soo ceshaneysay dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka daawo hadalka Cumar Finish

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here