Gudoomiye FIQI oo ka jawaabay su’aalo ay dad badani iska weydiin jireen doorashadiisa

Cali Saciid Fiqi

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cali Saciid Fiqi, ayaa ka jawaabay su’aal ay dad badani is weydiinayeen, ka hor iyo ka dib-ba markii uu qabtay xilkaasi.

Midda dadka u cuntami weyday, aadna ay wax isaga weydiinayeen ayaa ahayd, isagoo ka mid noqday Xildhibaanada Baarlamaanka Koonfur Galbeed, ka dibna loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, xilli uu horey u ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub. Inta uu xilkaasi iska celisay ayuuna wax ka dayay Baarlamaanka Koonfur Galbeed, taasoo hadalhayn badan ka dhex dhalisay bulshada.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo la hadlay BBC, waxna laga weydiiyay sababta uu xilkan u qabtay, xilli uu ahaa diblomaasi sare ayaa sheegay in diblomaasiyadda ka horba uu ahaa nin saynisyahan ah.

“Horta intaan diblomaasiyadda aan qaban, waxaa ka horeysay inaan ahaa qof saynisyahan ah, cilmi baare ah, taa nafteeda waan ka soo tagay. Wadankii Soomaaliyeed oo aan aniga ka dhashay in intaan taakulayn karo, taakuleeyo, hadana waxaan gartay inay muhiim tahay in wadanka gudahiisa wax laga qabto,” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha ayaa intaa ku daray “Waxaad ogaataa wadankan waa federaal, Maamul Goboleedyada haddaan la dhisin dowlad federaal oo adag ma jireyso.”

Mar Cali Saciid Fiqi ay BBC wax ka weydiisay in Dowladda Federaalka ay muruq iyo maalba ku bixisay, sidii uu xilkan ku qaban lahaa ayaa waxa uu ku jawaabay “Horta meeshaan qarash ku baxay maleh, doorashadan waa doorashada keliya ee buuq ka dhicin, doorashooyinkii ugu dambeeyay, waxa la sheegaayana aysan jirin,”

Dhanka kale waxaa uu qiray in uu ka tirsan yahay Xisbiga Nabad & Nolol ee talada dalka haya, balse in uu xilkan qabto ayuu sababteeda dusha u saariyay inuu lahaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen).

“Nabad & Nolol run waaye waan ka tirsanahay, oo dowladdii baan ahay, laakiin meeshaan aan imid sababteeda waxaa iska lahaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.” Ayuu yiri Fiqi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here