Gudoomiyihii Banaadir Cabdiraxmaan Yariisow oo geeriyooday

injineer yariisow

Guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow, ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Doha ee dalka Qatar oo lagu daweynayey.

Yariisow ayaa waxa uu ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay xarunta gobolka Banaadir, 24-kii July 2019, kaasi oo qaar badan oo kale oo ka mid ah mas’uuliyiinta gobolka ay ku dhinteen.

Waxaa isla saacad kadib la dhigay isbitalka Digfeer ee Muqdisho, halkaasi oo maalin kadib laga qaaday lana geeyey isbital ku yaalla magaalada Doha ee dalka Qatar, oo lagu daaweynayey tan iyo markaas.

Dhaawaca qaraxa kasoo gaaray Yariisow ayaa u badnaa firirro ka galay qaybaha sare.

Dad la jooga ayaa sheegay in Guddoomiyaha firirka ugu daran uu uga jiray madaxa. Sidoo kale firirka kale ee halista ahaa ayaa laga saaray caloosha intii uu ku sugnaa Muqdisho.

Maalmihii ugu dambeeyey waxaa jirtay rajo wanaagsan oo ahayd in xaaladdiisa ay kasoo raynaysay sidii hore kadib qaliino dhowr ah oo lagu sameeyey. Hase yeeshee waxaa qorneyd in waqtigiisa ku ekaa maanta.

Waxaa la joogay qoyskiisa oo ka yimid dalka UK iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Naxariisi Janno Allaha siiyo – انا لله وانا اليه راجعون

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here